Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo  dhagax dhiga Dhisme Cusub oo lagu siyaadinaayo Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo uu wehlinayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa si wada jir ah udhax dhigay Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dhismaha cusub ee laga Dhagax dhigay wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ka kooban lix qol uu ku jiro hoolka shirarka waxaan kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Haayada UNDP, madaxda ka socotay Shirkada ku guuleystay dhismaha iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa ugu mahadceliyay cidkasto oo gacan ka gaysanayso fududeynta dhismahaan cusub isagoo dhanka kale shaqaalaha ku howlan shaqadaan kula dardaarmay in ay dar-dar galiyaan howsha.Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorNo photo description available.Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close