Wararka
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka dowlada oo kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal iyo masuuliyiin kale oo kusugan dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Columbus.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Dowladda Federaalka yaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ugu warbixiyay xaalada Guud ee dalka iyo horumarada kasocda waxaa uuna kula dardaarmay in ay qaybtooda ka qaataan horumarka Soomaaliya.
Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa ugu danbeyn waxaa uu mid mid ugu tagay dadkee kulanka kasoo qayb galay isagoo dhagaysanaayay rayigooda iyo talada ay dalka u soo gudbin lahaayeen.