Wararka
Wasiir ku-xigeenka Gar-gaarka oo la kulmay wafdi ka socda Malaysia.
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dalka Malaysia gaar ahaan Hya’adda Islaamic relief,kuwaasi oo u yimaadey sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qorshe ay ku doonayaan sidii mashaariic horumarineed oo dhanka gar-gaarka ah ay uga fulin lahaayeen goobaha dhibaatooyinku ay ka jiraan ee gobolada dalka.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa soo dhoweeyey xubnaha wafdigaasi,waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulan xog wareysi ah oo ku aadan ujeedka socdaalkooda iyo kaalinta dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin in ay ka geysato fududeynta mashaariicdaasi gar-gaar oo ay fulin rabaan.
Seyruu Shaafidiin Seynul Cabidiin oo ah madax hay’adaasi ee Soomaaliya oo wafdigaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin dhiiro gelinta howlwadeenadoodi Soomaaliya oo ku guuleystay in ay fuliyaan mashaariic badan,sidii kale in ay soo qiimeeyaan deegaanada kale oo ay baahiyuhu ka jiraan,si ay kaalin uga qaataan dhaqaale u raadinta gar-gaarkaasi.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gar-gaarka Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda.
“Waxaan soo dhoweynay wafdigan ka socday Islamic Relief oo ka shaqeysa gar-gaarka iyo caawinta dadka danyarta ah,waxaan galnay shir aan isaga xog wareysanayanay ujeedka socdaalkooda,waxaa ay inoo sheegeen in deegaano badan ay tagi doonaan,iyagoo wada qiimeyn ku aadan baahiyaha,si loo helo dhaqaale uruurin oo dadkaasi lagu caawinayo,anagadna dowladda maadaama aanu nahay waa in aan ogaanaa hay’adaha fulinaya mashaariicda,sidaasi darteeda ayaan u qaabilnay”. Ayuu yiri wasiir C/rashiid.