Wararka
Wasiir Janan oo gaaray Baladxaawo.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa maanta gaarey degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Wasiirka ayaa markii uu gaaray Magaalada Baladxaawo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka iyo bulshada Baladxaawo.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in wasiir Janan uu ka baxsaday xabsigii lagu haayay waxaa uuna asbuuc kadib gaaray magaalada Kismaayo isagoo safar xagga badda ah ku gaaray Magaalada. Kadib ayuu wasiir Janan ugu sii dhoofay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo maantana gaaray Baladxaawo.
Hay’adda Amnesty international ee u doodada xuquuqul Insaanka ayaa dowlada Kenya u gudbisay warqad ay ugu codsanaysa in gacanta dowlada Soomaaliya lagu soo celiyo wasiir Janan oo ku eedeysan danbiyo ka dhan ah bani’aadanimada.