Wararka
Wasiir Cawid oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka waxa loogu yeera argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.
Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka Danjire Tarig Ali Bakheet, ayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliya ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee u sameeyeen.