Wararka

Wasiir Cawad oo Magaalada Adis-Ababa kaga qayb galay kulan ay yeeshen urur goboleedka IGAD

Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan urur goboleedka IGAD ay uga arrinsanaysay xaaladda Suudaan iyo horumarka siyaasadeed ee Koonfurta Suudaan.

Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay maanta Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidookale kullankaan waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close