Wararka
Wasiir Cashuur oo tababar u furay shaqaale ka kala socda dowlad Goboleedyada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Cabdi Cashuur Xasan ayaa maanta tababar uga furey Magaalada Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka.
Tababarkaan oo socon doona muddo Seddex maalin ah ayaa waxaa loo qabtay shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa uuna ku saabsan yahay farsamada iyo maamulka Astaanta qaran ee Internetka dalka (.SO).
Tababarkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka farsamo ee Astaanta dotSO.
Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha ay wasaaradda Boostada rabto I ay ku baahiso Astaanta dotSO(.SO) dhamaan gobolada dalka.
’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan’’ ayuu yiri wasiir Cashuur.
Kadib markii ay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ay la soo wareegtay astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo.