Wararka

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas oo gaaray Qaahira

Qaahira, 4 September, 2021- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Axadda berri ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta Masar.
Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.
“ Shir sannadeedkan wuxuu na dhaxal siin doonaa inan fursad qeyb ka noqonaysa dadaallada shaqooyin iyo Horumarinta shaqaalaha ku raadino.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab, isagoo intaa ku daray khudbad uu ka jeedin doono shirka inuu arrimahaa diiradda ku saari doono.
Wasiir oo sidoo kale boggaadiyay doorka safaaradda Soomaaliya ee Masar, ayaa kulamo dooceed la yeelan doona wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close