Wararka

Wasiir Beyle oo shir guddoomiyay kulanka kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP.

Wasiirka maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka kaga qayb galay  kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP.

Kullanka ay maanta yeesheen kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP ayaa waxaa looga hadlay halka  ay marayso habka deyn cafinta Waxaana kulanka shir Guddoomiyay Wasiirka maaliyadda, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale, intii uu socday kullanka ayaa ay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya.

“waxaa ugu muhiimsanaa waxyaabihii aan ka doodnay fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman Cafinta deymaha Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close