Wararka

Wasiir Beyle oo ka warbixiyay safarka aay ku jogaan dalka Mareekanka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beyle ayaa ka hadlay safarka aay ku jogaan Magaalada Washinton DC.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirarka aay layesheelaniyaan masuuliyiinta uu inta badan ku saabsan yahay arrimo khuseyo Deyn cafiska iyo waxyaalo kale oo farabadan oo ay ka mid yihiin Daabacaadda Shilinka Soomaaliga.

Wasiirka ayaa sheegay in aay manta ku mashquulsanyihiin la kulanka Madaxda kala duwan ee Bangiga Addunka iyo qeybo kale oo ay khuseyso arrinteynta deen cafinta dalka  oo ay ka mid tahay Tan Lacagta Adduunka IMF-ta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hey’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hey’adda lacagta dunida ee IMF iyo hey’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close