Wararka

Wasiir Bayle oo soo dhaweeyay kulana la qaatay wafdi kasocday Bangiga adduunka (WorldBank).

Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta xafiiskiisa wasaaradda kusoo dhaweeyay wafdi kasocday Bangiga adduunka (WorldBank) oo uu hoggaaminaayay agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya Felipe Jaramillo.

Intii uu socday kulanka u dhaxeeya wasiirka Maaliyadda iyo wafdiga agaasimaha World Bank ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha socda ee kor loogu qaadaayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo sidii uu Bangiga ugu caawin lahaa xukuumada waddada deyn cafiska.

“Maanta sharaf ayay noo tahay inaan Wasaaradda maaliyadda kusoo dhaweyno agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo. Waxaan yeelanay kulan mira dhal ah oo ku salaysan arrimaha Socda ee dib loogu habaynaayo dhaqaalaha iyo arrimaha mustaqbalka dhaw ee ay hay’adda nooga caawinayso deyn cafinta”. Ayuu yiri Wasiir Bayle.ImageImageImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close