Wararka
Wasiir Bayle oo kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga oo ay wada shaqeyn buuxdo ka dhaxeyso.
Wasiir Beyle iyo Amb. Nicolas Berlanga ayaa ka wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Taageerada Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada Midowga Yurub mar kasta la garab taagan tahay Soomaaliya.