Wararka

Wasiir Bayle oo ka warbixiyay shirka Billaha ee maamul wanaaga dhaqaalaha.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumada federaalka Dr.Abdi Rahmaan Ducaalle Bayle Soomaaliya ayaa ka warbixiyay shirka billaha ah ee maamul wanaaga dhaqaalaha kaas oo bishiima mar la qabto.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in inta uu kulanka socday lagu Gorfeeyay hufnaanta maaliyadda iyo dib u eegista wixii wasaaradda u qabsoomay iyo waliba qorshayaasha u dajisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ee ku aadan hagaajinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka.

“Waxaan maanta qabanay shirkii billaha ah ee maamul wanaaga dhaqaalaha ee #FGC oo inta badan aan ku gorfeyno hufnaanta maaliyadda”

“Waxaan diiradda ku saarnay dib u eegista wixii noo qabsoomay iyo qorshayaasha aan leenahay ee ku aadan hagaajinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka”. Ayuu hadalkiisa kusii daray wasirka Maaliyadda dalka.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close