Wararka
Wasaradda waxbarashada oo ansixisay siyaasadda qorsheynta iyo habraaca dhismaha dugsiyada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta furay kulan lagu ansixinayo siyaasadda qorsheynta iyo habraaca dhismaha dugsiyada.
Wuxuu u mahadceliyay lataliyeyaashii kasoo shaqeeyay siyaasadda iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada (ESC) oo waqti iyo juhdi badan ku bixiyay dhameystirka siyaasadda lagu hagayo dhismaha dugsiyada dalka.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa u mahadceliyay Barnaamijka Caalamiga ee Taageera Waxbarashada Soomaaliya (GPE) oo maalgeliyay soo saarista siyaasaddan.