Wararka
Wasaradda caddaaladda KGS oo barnaamij ka bilabayso gobalka shebeelaha hoose.

Wasiirka Wasaaradda dowlad goboleedka Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta daah-furey barnaamij laga fulindoona gobalka shebeelaha hoose gaar ahaan magaalooyinka Marka, Janaale iyo Awdheegle.
Barnaamijkan wuxuu ku saabsanyahay dhisidda gudi Cadaaladeed, kulamo loo qaban doono bulshada ku nool megaalooyinkaas iyo ogaanshaha baahiyaha Cadaaladeed.
Mashruucaan bilawga ah islamarkaana taageeraya EAJ (balaarinta wado-u helida cadaaladda) ayaa fulindoona hay’adda ururka horumarinta gabdhaha bay oo loo soo gaabiyo BWDO.