Wararka

Wasaradaha Caddaaladda heer federaalk iyo mid dowlad goboleed oo kulan wada jir ah yeeshay.

Wasaaradda Caddaaladda XFS iyo Wasaaraddaha Caddaaladda Doowlad Goboleedyada ayaa si wadajir ah u qabtay  shir is xog wareeysi iyo wadatashi, Shirkaas oo lagu qabtay xaga aalada la Iska arko ee Zoomka, ayadoo ladhaqangalinayo talooyinka Caafimaad ee kahortaga Covid-19, waxaana Shirka furay oo hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Cadaaladda, abukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Shirka waxaa looga hadlay arrimu badan ay ka mid yihiin iswareeysi ku aadan shaqooyinka ku aadan bahda Caddaaladda sida ay u socdaan iyo arrimaha Garsoorka guud ahaan dalka oo dhan iyo sidii aysan gaabis ugu imaan-laheyn shaqooyinka Muhiimka ah ee dhamaan Wasaaradda Federaal-ka iyo kuwa heer Doowlad Goboleed u haayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayadoo la isku raacay in ladhameystiro Qorshaha socodsiina Shaqooyinka Wasaaradda XFS iyo dhamaan Kuwa Doowlad Goboleedyada inta lagu gudajiro xaaladahan adag.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda, abukaate Xasan Xuseen Xaaji  ayaa uga mahadceliyey dhamaan dowlad goboleedyada warbixinta waafiga ah ay ka bixiyeen dhamaan shaqooyinka kala duwan ee ku aadan Bahda Cadaaladda iyo arrimaha garsoorka,ay u haayaan dhamaan shacabka soonaaliyeed meel waliba ay joogaan, kuna amaanay wada shaqeeynta wacan ay lawada lee yihiin Wasaaraddooda Caddaaladda XFS. Waxa kaloo kula dar daarmay in saro looqaado sida la iskaga illaalin lahaa Caabuqa Coronavirus gaar ahaan in lagu dadaali maxaabiista ku jirta xabsiyada.Image may contain: 1 personImage may contain: people sitting, screen and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close