Wararka
Wasarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka XFS oo qalab lagu ogaado cimilada Gaarsiisay dowlad goboleedka galmudug.

Wafdi uu hugaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya , Xamsa siciid xamsa ayaa manta gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb.
Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.
Wafdigaasi oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali,waxaa mudada ay joogaan Degmadaasi ay la kulmi doonaan madaxda Dowladda Galmudug.