Wararka
Wasarada caafimaadka XFS oo bulshada soomaaliyeed la wadaagtay xaladii ugu dembeysay ee carona virus gudaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta Shacabka Soomaaliyeed ugu warbixisay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay.
Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa sheegtay in dalka laga xaqiijiyay 38 xaaladood cusub oo COVID-19 ah.
35 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir halka 3 kale ay yihiin Maamulka Somaliland. dhimashada maanta ayaa ah hal ruux waxaana bogsaday 12 kale.
Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 873 xaaladood, waxaa u geeriyooday xanuunkaan 39 ruux inta la ogyahay waxaana bogsaday 87 sida ay shaacisay wasiirka wasaarada caafimaadka dalka.
Wasarada caafimaadka XFS oo bulshada soomaaliyeed la wadaagtay xaladii ugu dembeysay ee carona virus gudaha dalka https://youtu.be/GcyVvlzpypY
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 6 May 2020