Wararka

Wasaardda Cadaaladda oo agab caafimaad gaarsiisay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasaardda Cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab caafimaad gaarsiisay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed si loo sii xoojiyo xakameynta dadaaalada looga hortagaayo cudurka saf-marka ah COVID-19.

Agabka lagaarsiiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyed waxaa kamid ah: haaman faraxal oo loo farsameeyey inaan gacanta lagu taaban, saabuun, shambooyin, jeermis dile (alcohol), waji xirka (face mask) iyo qoraalo gaar ah oo loo isticmaalayo habka wacyi galinta.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Iyadoo fulinayso talooyinka Kahortaga Cudurka faafa ee COVID-19 ay markasto garab istaag u muujin doonta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo gacanta kuhayaa Xabsiyadda Dalka oo ay kuxiranyihiin Maxaabiista qeybahooda kala duwan.Image may contain: 3 people, people standingNo photo description available.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close