Wararka

Wasaaradda Waxbarashada oo joojisay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya yaa maanta shaacisay in si rasmi ah la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc.

Wasaaradda ayaa sheegtay buundooyinka ardayda sannad dugsiyeedkaan lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020.

Ugu danbeyn war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu wargaliyay ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 balse ay gadaal kasoo sheegi doonaan wakhtiga la qaadi doona.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close