Wararka
Wasaaradda waxbarashada oo bilawday qaybinta manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose/dhexe.

Wasaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iskullada dalka ka biloowday qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose/dhexe oo uu dhawaan daahfuray Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo.
Qaybinta buugaagta manhajka waxbarashada dalka ayaa ka bilawday magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay iyo Gobalka Banaadir waxaana xigi doona gobalada kale ee dalka si ardayda Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho tayoleh.
Wasaaradda waxbarashada Xuukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo lagu horumarinaayo tayada waxbarashada dalka iyadoo dibada u dirto qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee kaalmaha hore ka galo Imtixaanaadka.