Wararka
wasaaradda Qorsheynta oo wada tashi la yeelatay ururada bulshada rayidka ah.
Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya , ayaa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan wareega labaad ee qorshaha horumarinta 9aad ee qaranka la qaadatay ururada bulshada rayidka ah ee Muqdisho.
Kulanka maanta waxa ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Asad Yuusuf Qanyare, khubarada qoreysa qorshaha horumarinta qaranka iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada rayidka ah. Waxaana halkaas ay madaxda Wasaaraddu ku soo bandhigeen soo jeedin ku saabsan nuqulka koowaad ee qorshaha horumarinta oo ay ka codsadeen in wixii dhiman ay ku soo daraan qorshaha Sagaalaad ee horumarinta qaranka.
Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo si weyn uga qeyb-qaatay dood-wadaagii iyo falan-qeyntii qorshaha, ayaa halkaas ka soo jeediyey tallooyinkooda ku aadan dhaqaalaha, nabadda, cadaaladda, maamul-wanaaga, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.
Asad Yusuf Qaran-yare, Agaasimaha Qorsheynta oo gobta ka hadlay, ayaa faahfaahiyay ahmiyadda uu lee yahay qorshaha horumarinta qaranka ee DFS, waxaana uu sheegay in ujeedka la tashigani uu yahay siddii bulshadu ay qeyb uga noqon lahayd qorista qorshaha horumarinta ee DFS.
“Runtii waanu ku faraxsanahay in aanu qorshaha horumarinta qaranka u soo bandhigno ururada bulshada rayidka ah, ujeedkayagu waxa weeye in dadka laftoodu ay ka qeyb-qaataana qorista qorshaha oo hadda gacata lagu hayo, waxa aanu dooneynay in aad wixii tallooyinkii na ah iyo soo-jeedinahii ba ku dartaan oo kaga qeyb-qaadataan si waxyaabaha horumarka ah ee dalka laga qabanayaa ay u noqdaan kuwo si xaqiiqo ah ugu dhisan baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka iyo waxyaabaha aynu ahmiyadda siinaynno.”. Ayuu yidhi Asad Yuusuf Qan-yare.