Wararka

Wasaaradda qorsheynta oo kulan la qaadatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasaaradda qorsheynta xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta kulan wada tashi ah oo ku saabsan horumarinta Dalka l  yeelatay Ganacsatada Soomaaliyeed.Kulankan wada-tashiga ah ee ku aaddan wareegga Labaad, qorshahiisa Sagaalaad horumarinta Qaranka Soomasliya, ayaa diiradda lagu saaray, qodobo ay ka mid yahiin, soo jeedin ku saabsan nuqalka koowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka, soo jeedin waxyaabaha lasyku raacay iyo waxa dhiman ee ay tahay in lagu daro qorshaha.

Qaar kamida Xubnaha ganacsatada Soomaaliyeed ee kasoo qayb galay kulankaan ayaa aragtidooda ku  aaddan Qorshaha horumarinta Qaranka kadiibtay waxayna ku fogaadeen hannaanka shaqo abuurka iyo in la dhiiri-geliyo ganacsiga.

Agaasimaha qorsheynta Qaranka Soomaaliya, Ased Yuusuf Qanyare, ayaa sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay siddii shacabka Soomaaliyeed looga qeyb-gelin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka, isla markaana loo dhageysan lahaa talooyinka ku aaddan qorshahaasi.

“Sida aad la socoteen waxaan wareegga koowaad ee qorsahahan  horumarinta Qaranka wada –tashi kala yeelannay dhammaan Bulshada Soomaaliyeeed oo aad qeyb ka tahiin , marka qorshahan waa mid ay wada leeyihiin umadda Soomaaliyeed, Ayuu yiri Agaasime, Asad Yuusuf Qanyare.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close