Wararka
dowlada Soomaaliya oo war kasoo saartay cudurka Ebola
Wasaaradada caafimadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga hadlayso cudurka dilaaga ah ee Ebola kaas oo ka dhilaacay jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo si lamid ahna u sii gudabay dalka dariska la ah dalkaasi ee Uganda.
War-murtiyeedka wasaarada caafimadka ayaa kusoo aadayo xili shacabka Soomaaliyeed ay cabsi badan ka muujiyeen in cudurkaan uu u soo gudba dalka balse wasaaradda ayaa cadeysay in cudurkaan uusan ka dilaacin dalkaasi Uganda sida ay u xaqiijisay hay’adda Caafimadka addunka ee loo soo gaabiyo (WHO).
Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqadeeda ay tahay in ay ka taxadirto oo ay u diyaar garoowda musiiba kasta oo timaado inta ka horaysana ay dadaalka ka hortaga waddo oo ay shacabka Soomaaliyeed Isdajiyaan.
Haddaba Hoos ka akhriso war-murtiyeedkii kasoo baxay wasaaradda caafimaadka: