Wararka
Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Jubbaland oo kulan ku qabatay Kismayo.
Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qabatey kulan billa aha kaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka sida GIZ,NRC iyo Hay’adda Care.
Kulankaan ayaa looga hadlayay dar dar galinta wax ka qabashada fatahaadaha biyihii ka dhashay Roobabkii ka da,ay deegaaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Kulanka ayaa intii uu socdey waxaa la isku afgaaray xoojinta biyo galinta xaafadaha ay deganyihiin dadka barakacayaasha ee magaalada kismaayo gaar ahaan barakacyaasha Madiina iyo Midnimo ee duleed Kismaayo.