Wararka
Wasaaradda Maaliyada iyo wasaaradda Shaqada oo kulan ka yeeshay Xeerka Howl-Gabka Shaqalaaha Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa maanta kulan ka yeeshay Xeerka Howl-Gabka Shaqalaaha Dowladda oo hada diyaarintiisu ay gabo-gabo tahay.
Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ka warbixiyay kulankaasi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wadatashi laga galiyo xeerkaan ka hor inta aan golaha shacabka la hor geynin.
“Waxa aan maanta shir wada-tashi ah wada yeelanay Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda.Xeerka Howl-Gabka Shaqalaaha Dowladda oo ayuu ku saleysnaa wada-tashigeena” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulanka.