Wararka
Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka oo soo bandhigtay qorshaha loogu gurmananayo hadii ay abaaro dhacaan.
Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka XFS ayaa shirka Tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay ugu soo bandhigtay qorshaha loogu gurmananayo hadii ay abaaro ka dhacaan deegaannno ka mid ah dalka.
Wasaaradda ayaa samaysay guddi ka kooban sagaal wasaaradood oo xukuumadda kamid ah iyo wasaaradaha gargaarka maamul gobaleedayada,taas oo loola jeeda in si dhaqsa loogu gurman karo hadii ay abaaro dhacaan.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta kaas oo sidookale lagu soo ban-dhigay siyaasadda dalxiiska oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa guddiga gurmadka abaaraha u samaysay si looga hortaga haddii ay dhibaato dhacday.