Wararka
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay goordhaw soo dagan doonta diyaarad sidda Gurmad Caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay dadaallada socda ee loogu gurmanaayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii 28-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Saacaddaha soo wajahan ay sugayaan diyaarad sidda Daawo oo laga leeyahay dalka Qatar waxaa ayna intaasi ku dareen in diyaaradda ay sidoo kale qaadi doonta dadka dhaawacyada halista ah qabo.
Hoos ka akhriso xogta wasaaradda caafimaadka oo dhamaystiran:
- Galabta (30th December 2019) waxaa la sugayaa diyaarad ay soo dirayso Qatar oo sidda/wadda daawooyin gurmad caafimaad oo horey looga codsaday.
- Isla Diyaaradaas Qatar waxay galabta qaadi doontaa qaybtii 2aad ee dhaawacyada.
- Xubno ka tirsan Gurmadka Qaran oo ay qayb ka tahay Wasaaradda Caafimaadka ayaa hada u ambabaxay Isbitaalka Digfeer si ay u diyaariyaan dhaawaca loo qaadayo Qatar.
- Qayba ka mida ah Gurmadka waxay sidoo kale hada u bexeen Isbitaallada kale si ay mar labaad qiimeeyn ugu sameeyaan dadka qaba dhaawaca fudud ee isbitaallada ku haray ayna u diyaariyaan liiska/xogta dadkii geeriyooday (Allaha u naxariistee).
- Gurmadka Qaran oo ay ku jirto Wasaaradda Caafimaadka waxay warbixin siiyeen guddiga sare ee Gurmad Qaran.