Wararka
Wasaaradda Beeraha XFS oo Agab lagula dagaalamo Ayaxa ku wareejisay Galmudug.

Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Shan Gaari oo ah nooca Soomaalida u yaqaano Cabdi-bilaha iyo agab ay ka mid yihiin Matoorro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlada faderaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa furayaasha shantan Gaari ku wareejiyay Wasiirka Beeraha Dhirta iyo Daaqa Galmudug, Axmad Nuur Xaaji Cusman oo ay wehliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Galmudug iyo Agaasimayaasha Wasaaradda, waxa uuna xusay in Agabkan wax looga qaban doono la dagaalanka Ayaxa.
Gaadiidkan iyo Matoorrada saaran ayaa waxa ay ku yimaadeen iskaashi dhexmaray Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Hay’ada Beeraha Adduunka ee FAO waxaa loo adeegsan doonaa dagaalka lagula jiro Ayaxa ku habsadey Dhul daaqsimeedka iyo Beeraha Galmudug oo muddaba la tacaaliddiisu socotay.