Wararka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo kulan wacyi galin ah u qabatay Bulshada Deegaanka Xasbahale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland, ayaa Deegaanka Xasbahale ku qabatay Kulan ku saabsan wacyi galinta bulshada ee Arimaha federalka iyo adkaynta nabadda.
Kulanka wacyi galinta bulshada ee Arrimaha Faderalka waxaa kasoo qeyb galay odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka, Maamulka deegaanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada deegaanka.
Agaasimaha waaxda Faderalka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdulqaadir Maxamuud Axmed ayaa daah furey kulanka isagoona bulshada deegaanka iyo Maamulka Xasbahale ugu mahad celiyey siday usoo ajiibeen kulanka, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faaideystaan casharada ku saabsan wacyi galinta Arrimaha Faderalka iyo adkeynta Nabadda isagoona bulshada iyo Maamulka codsaday inay gaarsiiyaan casharada ay ka bartaan kulanka guud ahaan bulshada ku dhaqan deegaanka iyo Deegaanada hoosyimaada.