Wararka
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo kulan wadatashi ah u qabatay Abwaanada deegaanada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan kaalinta ay ku leyihiin Nabadeynta iyo dhab u heshiinta Qaran uga daah furtay magaalada Dhuusamareeb hal’abuurka Afmaalka iyo Abwaanada deegaanada Galmudug.
Agaasimaha waaxda Dib-uheshiisiinta Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay in abwaanada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dhab u heshiinta Qaran si loo gaaro xal waara.
Sacdiya Maxamed Cilmi oo kamid aheed masuuliyiinta kasoo qayb gashay madashaas ayaa sheegtay in wasaarada Arimaha gudaha ay ka go’antahay in ay la tashadaan abwaanada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ayna qayb ka yihiin qorshaha qaran ee Dhab-u-heshiinta.
Abwaan dhuunkaal iyo Abwaan Jamaal oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigay sida ay Abwaanada ugu qaybqaadan karaan Dhab u-heshiinta Qaran ayaa tix gabay ah ku cabiray sida Dhab u-heshhiinta qaran ay ummada Soomaaliyeed ugu baahantahay.