Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo daahfuray kulan ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray shir laba maalin socon doona oo ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameyay.

Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sidoo kale, waxaa shirka bogaadisay islamarkaana taageero u muujisay Gudoomiyaha Kutladda Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Jawaahir Axmed Cilmi.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Muumino Sheekh Cumar ayaa si wadajir ah waxa ay taageero ugu muujiyeen haweenka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in xuquuqdooda uu sugayo dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “Waxa aan ku faraxsanahay muddo ka yar afartan cisho in aan seddex kulan oo wadatashi ah la yeelanay haweenka, taasi ayaa cadeyneysa in aan dooneyno doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka in uu noqdo mid ballaaran si ay uga qaybqaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close