Wararka
Wasaarada Amniga oo la wareegtay dhammaan koontaroolada Gaalkacyo.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Moallim Fiqi ayaa si rasmi ah ula wareegay dhammaan koontaroolada Gaalkacyo oo ay maamuli jireen ciidammo maleeshiyo beeled ah balse maanta wixii ka dambeeya ay maamuli doona ciidamadda Galmudug.
La wareegida kontaroolada ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiiro iyo madaxda maamulka gobolka mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga oo ka hadlay talaabadaan ay kula wareegeen koontaroolada Gaalkacyo ayaa sheegay in deeganada Galmudug laga mamnuucay waxyaabaha maanka dooriya isagoona intaasi ku daray in shaqsigii lagu arko isagoo ka ganacsanaya ama isticmaalaya maandooriyaha laamaha amniga tilaabo ka qaadi doono.