Wararka

Wasaaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta ka digtay laba kaclayn uu sameeyo Covid19 Puntland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay uu jiro sara ukac ku yimid dadka laga helayo xanuunka safmareenka Covid19.

Wasiirka ayaa xusay in toddobaadkii la soo dhaafay la baaray 321qof lagana helay xanuunka 31 qof taas oo ka noqonaysa 8% kiiba.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dad safar usocday oo caafimaad ahaan isku arkayay inay caafimaad qabaan laga helay xanuunka, taasi oo cadaynaysa in qofka isaga oo caafimaad qaba uu wadi karo xanuunka, waxaana uu xusay in dadka xanuunka iskaga shakiya ay xarumaha yimaadaan si lacag la’aan ahna looga baarayo xarumaha Garowe Iyo Boosaaso.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn bulshada la wadaagay inay taxadarkooda dib usoo celiyaan, sidoo kalanna la isticmaalo afxirashada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close