Wararka
Wareegta uu soo saaray madaxweynaha Somaliland oo cafis loogu fidiyay maxaabiis garayso 517 maxbuus.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu cafis ugu fidiyay Maxaabiista ku jirta xabsiyada Somaliland ee ku xukuman dembiyada fudud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Wareegtadaan soo saaray kadib markii uu latashi lasameeyay hey’addaha ay khuseysay arrimahaan, eegay Dastuurka u yaalo Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad iyo Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad ayaa waxaa uu cafis u fidiyay maxaabiis tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus, Xuska 18 May Awgeed.
Sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday madaxweyne Muuse Biixi Abdi, cafiskaan ayaan wax samayn ah ku laheen xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi sida uu qabo qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Ugu danbeyn waxaa wareegtada lagu sheegay in amarkaan ka soo baxay madaxweynaha Somalilan uu fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland iyadoo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.