Wararka
WARBIXINTII UGU DANBEYSAY EE COVID-19 SOMALILAND.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horomarinta caafimaadka ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta shir jiraa’id uga qabtay xarunta wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijiyey in baaritaano 24 saac ee lasoo dhaafay lagu sameeyey 54 qof laga helay 14 qof Cudurka COVID-19.
Agaasimaha ayaa sheegay in 14 qof ee laga helay cudurka COVID-19 ay 8 Kamid ah ay yihiin Rag halka 6 kalena ay Yihiin Dumar.
Wadarta Guud Ee dadka Xanuunka Laga Helay Somaliland ayaa gaarayso 217 kiis tan iyo markii uu xanuunkaani ka dilaacay deeganada Somaliland, waxaa u dhintay 17 ruux halka 21 kalena ay ka bogsoodeen COVID-19.