Wararka

Warbixintii ugu danbaysay ee COVID-19 Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta Shacabka Soomaaliyeed ugu warbixisay  xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay.

Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa sheegtay in dalka laga xaqiijiyay 79 xaaladood cusub oo COVID-19 ah.

38 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir, 22 xaaladood ayaa laga helay Maamulka Jubbaland, 11 xaaladood ayaa laga helay Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladoodna Puntland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 835 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsaday 14 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada ku boorisay in ay muujiyaan taxadar dheeri ah maadama uu caabuqa kusii baahayo bulshada dhaxdeeda iyo in taxadar gaar ah lasiiyo dadka da’da ah iyo dadka la nool cudurada raaga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close