Wararka

 Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay Warbixintii ugu danbeysay ee waxyaabihii kusoo kor dhay xanuunka faafa ee Coronaviruska.

Wasiirka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu danbaysay dalka laga diwaan galiyay 65 xaaladood oo cusub kuwaa oo laga xaqiijiyay gobolada dalka sida Koonfur Galbeed oo 24 xaaladood ah, maamulka gobolka Banadir 13 xaaladood ah, Puntland oo 13 xaaladood ah, maamulka Somaliland oo 14 xaaladood iyo  Jubbaland oo 1 isna kiis laga xaqiijiyay.

Dadka cusub ee maanta laga helay COVID-19 ayaa waxaa lab ah 41 ruux halka 24-ka kale ay yihiin Dhidig. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay in tirada dadka bogsooday ay gaarayaan 5 halka dhimashadana ay gaarayso hal ruux oo kaliya.

Xaaladahaan cusub ee soo korortay ayaa tirade guud ee dadka uu haleelay xanuunka coronaviruska ka dhigayso 1,284 xaaladood halka Tirada dadka ka bogsooday xanuunkaana ay garayaan 135 ruux dhimashadana waa 53 ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close