Wararka

Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa bulshada  Soomaaliyeed la wadaagtay xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.

Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo In awooda la iskuugu  geeyo  sidii loo  xakameyn lahaa caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close