Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasirka wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Fowziya Abikar Nuur ayaa ka warbixisay aqbaartii ugu danbaysay ee dadka uu soo ridanaayo xanuunka coronaviruska waxaa ayna sheegtay 34 xaaladood oo cusub dalka laga xaqiijiyay.
27 xaaladood oo kamid ah xaaladaha cusub ayaa laga diwaan galiyay gobolka Banadir halka. 7 kale laga diwaan galiyay Puntland. Waxaa ayna tani ka dhigantahay in xaaladaha guud ee dadka laga helay xanuunkaani Coronaviruska uu gaaray 756.
Dhimashaha maanta waa 3 ruux taas oo dhimashaha Guud ka dhigayso 35 ruux waxaana xanuunkaani ilaa iyo hadda ka Bogsashada 61 ruux.