Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.
Wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay warbixinta maalinlaha aha ee COVID-19.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diwaan galiyay 24 kiisas cusub oo la xeriira xanuunka Coronaviruska oo 15 kamid ahi ay jogaan maamulka Somaliland, 6 kiis Puntland iyo gobollka Benadir oo 3 kiis ah.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xaaladha cusub ay 18 kamid ah Lab yihiin halka 6 kale ay Dhedig yihiin.
Waxaa bogsootay 31 ruux taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigayso 782, dhimashahana uu gaaray 2 raax taa oo tirada guud ee dhimashaha Soomaaliya ka yeeleyso 90.