Wararka
Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maana bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay xaaladihii ugu danbeeyay ee ku soo korordhay dalka ee ku saabsab xanuunka coronaviruska.
Wasiirka wasaarada caafimaadka oo ka hadashay xaaladaha cusub ayaa sheegtay in maanta dalka laga diwaan galiyay 58 xaaladood oo 32 kamid ah jogaan gobolka Banadir, Hirshabelle 11, Somaliland 8, Galmudug 3 , Puntland 2, Jubbaland 1, iyo Koonfur Galbeed oo 1 ah.
49 kamid ah dadka xanuunkaani COVID-19 soo ritay ayaa ahaa lab halka 9 kalena yihiin Dhedig. Bogsasho waa 12 halka wax dhimasha ah aan maanta la xaqiijin.
Tirada Guud Laga Helay xanuunkaani tan iyo markii uu dalka soo gaaray ayaa ah 2,204 halka Bogsashada Guudna tahay 418 iyo Dhimashada Guud oo ah 79 ruux.