Wararka

(WARBIXIN): SHIINAHA OO U DABAAL DAGAY 70 SANO GUURADII KASOO WAREEGATAY AAS-AASKII DALKAASI XILI AY DIBAD BAXYO KASOCDAAN HONG KONG.

Laba maalin ka hor ayaa dalka shiinaha looga dabaal dagay 70 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhidibada loo aasay Jamhuuriyadda shiinaha, waxanaana munaasabado badan oo lagu qabtay magaalooyinka Shiinaha lagu soo bandhigay awoodda Militari ee Shiinaha.

Madaxweynaha Shiina Xi Jinping oo ugu horeyn khudbad ka jeediyay munaasabadda 70 sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaskii shiinaha ayaa sheegay in aysan jirin dowlad awood leh oo u goodin karto dalkiisa iyo shacabka shiinaha.

“Ma jirto awood shaki galin karto maqaabka qarankeena  weyn. Ma jirto awood joojin karto shacabka Shiinaha iyo qaranka Shiinaha ee horumarka ku talaabsanayo” ayuu yiri madaxweyne Xi Jinping.

China Xi Jinping

Munasabadaan ayaa sidoo kale waxaa xaadir ku ahaa oo dhoolatuska ciiidanka daawanaayay madaxdii ka horaysay madaxweyne Xi Jinping waxaana dhoola-tuska Militari ka qayb qaadanaayay ciidamo military ah oo gaaraayo 15,000 oo askari sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay hubka casriga ah ee uu haysto dalka Shiinaha oo ay kamidka yihiin diyaradaha kaligood iswada ee loo yaqaano drones iyo gantaallada balastiigga ah ee qaaradaha iskaaga kala goosha.Chinese troops march in formation past Tiananmen Square.

Munaasabada ayaa ku bilaabatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno helicopters kuwaas oo waday calamada xisbiga shuuciga ee Shiinaha, kan qaranka iyo kan militariga.

Munaasabadaan ayaa kusoo aaday iyadoo magaalada Hong Kong ay kasocota dibadbax looga soo horjeeda xukunka madaxda Shiinaha waxaa ayna banaanbaxyada dalbaniyaan in ay helaan dimuquraadiyad ay kusoo doortaan ruuxa ay iyaga jecelyihin.

Dibad-baxaan oo socday in muddo ah ayaa waxaa markasto ka dhasho khasaaro kadib marka ay ciidanka isticmaalaan gaaska dadka ka ilimaysiiya, ciidanka ka hortaga shaqaaqooyinka iyo dibadbaxyada dalka Shiinaha ayaa xabsiyada Hong Kong dhigay in ka badan 180 dibad-baxyaal ah maalinimadii shalay waxaana dhacdadii ugu xanuunka badneed noqotay kadib markii ay ciidamada si toos ah u toogteen will dhalinyaro ah oo kamid ahaa dibad baxyada Hong Kong.

Dowlada Shiinaha ayaa sidoo kale waxaa ay dagaal ganacsi kula jirtaa dowladaMaraykanka taas oo sababtay in dhamaan shirkadihii Shiinaha ee ka howl-galli jiray Maraykanka albaabada la’iskuugu dhufta balse Shiinaha ayaa haddana saameyn ballaaran iyo waliba Iskaashi dhaqaale la leh qaaradda Africa.

Munaasabadaan oo sanad walbo laga xusa dhamaan safaraaha Shiinaha uu ku leeyahay dalalka caalamka ayaa waxaa sidoo kale laga xusay magaalada muqdisho ee caasimada dalka waxaana ka qayb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi-Xaashi Cabdullahi  iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Mohamed Gulleed Khadar waxaa ay dhamaantood hambaylo u direen dowlada Shinaha iyo Shacabkeeda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close