Wararka
(Warbixin): Mudo 139 cisho ah ka dib maanta oo dib loo furay goobaha waxbarashada ee dalka.

Ku dhawaad 5 bilood oo ay xernaayeen goobhii waxbarasha Dalka sababo la xariira xanuunka covid 19 ayaa maanta dib loo furay iyadoo saakay ardayda si toos ah u aadeen goobihi ay wax ka baran jireen.
Ardayda ayaa kuu sheegaya in xanunka covid 19 saameen balaaran ku yeeshay waxbarashadooda lkn maanta aya ku faraxsanyihiin in markale ay dib ugu laabtaan goobohooda waxbarasho.
Qaar ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga mid ka mid ah iskuulada magaalada muqdisho ayaa tilmaamay in dib u bilaabeen duruusta ardayda ayna soo dhaweenayaan dib ufurirista iskuulada .
Ciise Maxamed Mahad Alle oo ah maamulaha mid ka mid ah iskuulada ku yaala gudaha Muqdisho ayaa dhankiisa shaaciyay in soo dhaweenayan in dib markale loo furo goobihii waxbarasha maadamad uu saameen ku yeeshay cudurka covid 19.
Mudo ku dhow 139 cisho ka dib maanta oo dib loo furay goobaha Waxbarashada ee dalka.
Mudo ku dhow 139 cisho ka dib maanta oo dib loo furay goobaha Waxbarashada ee dalka.Cumar Buule
Posted by TUSMO TV on Saturday, 8 August 2020