Wararka

Wararka la xeriiro banaanbaxyaddii ka dhacay Muqdisho.

Banaanbax Rabshada wato oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Caasimada dalka ee Muqdisho ayaa sababay qasaaro isugu jiro dhimasha iyo dhaawac iyo bur bur hantiyadeed intaba.

Qaar kamid ah musharaxiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii saaka dhacay uu ahaa isku day dil balse nasiib wanag ay ka bad baadeen.

Xaaladda Guud ee casimada ayaa hadda dagan waxaana waddooyinka iyo bar koontrolada lagu arkayaa ciidamada gaarka ah ee Harmacad kuwaas oo kala eryay dadkii dibadbaxa dhigaayay.

Ra’isal wasaarihii hore ee dalka ayaa si kulul ugu hadlay fal uu ku tilmaamay in isaga iyo musharaxiin iyo waliba tiro xildhibaanna ah lagu doonaayay in lagu qaarajiyo waxaa uuna ka digay in dhibata hor leh ay ka dhalan karta qataraha socda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close