Wararka
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaayo qarax miino oo dad badan ay ku dhinteen kaas oo lagu aasay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi.
Qaraxaan oo haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo noociisu ahaa Hoomeey ayaa ka yimid dhinaca Caasimada Muqdisho kuna sii jeeday Degmada Wanla weyn ee gobolka Shabaaleda Hoose sida ay sheegeen dad goob jooga yaal ah waxaana sida la sheegay ku dhintay tobbaneeyo shacab ah.
Mid kamid ah dhibanayaashii ay waxyeelada ka soo gaartay Qaraxa oo warbaahinta u faahfaahiyay wixii uu indhihiisa ku arkay ayaa sheegay in gaariga ay ku saarnayeen 12 ruux oo qoyskiisa kamid ah iyo dad kale oo badan halkaasna uu ku waayay seddex kamid ah reerkiisa.
Taliyaha deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose Dhamme Cabudllahi Axmed Xalane oo dhankiisa ka hadlay Qasaaraha uu gaystay Qaraxaani ayaa sheegay in uu gaystay Qasaare naf iyo maal leh waxaa uuna dadka shacabka ah ka codsaday in ay laamaha amaanka la soo wadaagaan xogta haddii ay arkaan dad waddada Qaraxyo dhigaayo.
Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa soo lab laabta iyadoo mararka qaar ay waxyeelo ka soo gaarta dadka shacabka ah ee waddada Isticmaalo ilaa iyo haddana ma jirta cid sheegatay Qaraxaani.