Wararka
Wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaala caasimada Dodoma.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dalka Tanzania Dr Augustine Mahiga ayaa maanta ku geriyooday Isbitaal ku yaala caasimada Dodoma xili xanuun uu ku soo booday sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Madaxweynaha dalkaasi John Magufuli.
Dr Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday da’da 74 sano waxaa uuna dalkaasi ka soo qaybtay xilal sare isagoo soo noqday xoghayaha joogtada ee Qaramada midoobe ku matala dalkaasi.
Sidoo kale Mahiga waxaa uu soo noqday Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya kadibna waxaa uu ahaa musharax madaxweyne sanadihii 2015-kii markaas oo uu ka guulaysay Madaxweynaha haatan talada haaye ee John Magufuli.