Wararka
Shir looga hadlay Amniga Galmudug oo ka dhacay Dhuusa-mareeb.

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug waxaa lagu qabtay shirka Amniga Galmudug oo uu shir guddoomiyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Shirka waxaa ka soo qayb galay taliyayaasha booliska, nabadsugidda, gudoomiyaha amniga caasimadda iyo saraakiil kale.
Intii uu socday shirka ayaa lagu gorfeeyey sidii loo dardargalin lahaa amniga iyo xasiloonida caasimada galmudug ee Dhuusamareeb.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku waxaa uu awaamiir siiyay ciidamada kala duwan ee ka hawlagala caasimadda in askari dhar shacab xidhan uusan qori ku dhexqaadan karin magaalada, iyo in askartu aanay samayn karin waxyaabo khalkhalgalinaya xasiloonida shacabka sida inay xabbadaha iska ridaan.
Shirkaan ayaa ku soo aday xili bishaan gudaheeda, dowlad goboleedkaasi ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah.