Wararka

Wajigii koowaad ee Qaxooti ka socday dalka Libya oo gaaray Caasimada Kigali.

Kooxdii  ugu horaysay ee magan-galyo doon ah, ayaa caasimada Kigali ee dalka Rwadanka gaaray maalinimadii khamiista waxaa ayna tira ahaan gaarayeen 66 qaxooti kasoo jeeda qaaradda Africa sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobe ee UN.

Magangalyo doonkaan gaaray dalka Rwanda ayaa biloow u ah kumanaan qaxooti ah oo ay hay’adda xaqootiga adduunka ee UNHCR u qorshaynayso in hooy looga dhigay kaam ku yaalla caasimada Kigali ee dalka Rwanda.

Horaantii bishaan ayay dowlada Rwanda waxaa ay heshiis la saxiixatay midowga Africa iyo hay’adda u xilsaaran Qaxootiga adduunka ee UNHCR, heshiiskaas oo ku saabsanaa in dowlada Rwanda ay magangalyo siiso xaqootiga kasoo barakacaayo dagaalada kasocda dalka Libya.

Dadka magangalya doonka ee hadda wajigooda koowaad gaaray caasimada Kigali ee dalka Rwanda ayaa waxaa ay isugu jiraan hooyooyin caruur kaliya sita, dhalinyaro, dad da’ ah waxa ayna hay’adda u xilsaaran Qaxootiga adduunka ee UNHCR cadeysay in Qaxootigaasi gaaray Rwanda ay ugu da’ yareed gabadh laba bilood dhalan oo ay dhaleen waalidiin Soomaali ah.

Hay’adda Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in dalka Libya ay kusugan yihiin kudhawaad 42,000 oo xaqooti ah kuwaas oo aan haysan goob amaan ah oo ay naftooda ku badbaadsan karaan.

.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close