Wararka
Wajiga labaad ee talaalka covid 19 oo dalka ka furmay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maantay si Rasmi ah u daah furtay Tallaalka SINOPHARM ee Dawladda China ugu deeqday Dawladda Soomalia, Tallaalka SINOPHARM ayaa ka mid ah Tallaalada ka hortaga Caabuqa COVID-19 ayaa soo gaadhay Gudaha Dalka Soomaaliya maalintii Axada oo taariikhdu aheed 11.04.2021.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmad Xuseen Macalin Iyo Safiirka dawladda China u fadhiya Soomaliya Qin Jian, ayaa maantay si rasmi ah u qaatay Tallaaka ka hortaga COVID-19. waxa sidoo kale qaatay Tallaalka qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradda arimaha Dibadda iyo shaqaalaha ka hawlagala Safaaradda Shiinaha.
Wasiir ku xigeenka Waasaradda Caafimaadka ayaa u jeediyay Dawlada China Mahadcelin balaaran oo ku aadan sida Dawladda Shiinaha ay ugarab taagantahay Dawladda Soomaaliya iyo gacanta weyn ay ka geesteen sidii looga hortagi lahaa cudurka safmarka ah ee COVID-19.